Iranian fishing vessels are seen docked after they were detained by Puntland marine forces in Bossaso, northern Somalia's breakaway Puntland region, October 17, 2015. Puntland forces seized six foreign fishing vessels with more than 100 Yemeni and Iranian nationals in the southern coast of the Gulf of Aden. It is illegal to fish in the waters near Puntland by foreign vessels, said marine officials, reported local media. REUTERS/Abdiqani Hassan  - RTS4UDO

Dhaqaalaha Puntland iyo Dheellitir la’aantiisa

Posted on Posted in News

Dhaqaalaha Puntland iyo Dheellitir la’aantiisa
Maxaa sababay Sicir­bararka & Dhaqaala burburka Puntland?
Waxaa maalmihii tegay dhegahayaga ku soo dhacayay Danyarta reer Puntland oo ka qaylinaya Sicir­barar ku habsaday oo
saameeyay noloshii dadka danyarta ah iyada oo qaarkood uu ka demay Dabkii, Ganacsatadii taagta daraydna ay kaceen oo
uu ku dhacay waxa loo yaqaano (bankrupt).
Dhaqaalaha Puntland?
Puntland waa qani waxaana dhaqaalaha gobolku ku tiirsan yahay ka ganacsiga Xoolaha, Beeraha, Kaluumaysiga iyo
khayraadka dabiiciga ah, waxaana hubaal ah hadii dalku helo maamul wanaagsan oo hormariya khayraadka Puntland ay
leedahay, in dalku tiigsan karayo horumar ama hore u socod dhaqaale, waxa kale oo dhaqaalaha Puntland saamayn ku leh
Mashaariic horumarineed oo Beesha Caalamku bixiso kuwaasi oo inta badan ku wajahan kaabayaasha dhaqaalaha iyo
magaalaynta “Urbanization”.
Maxaa keena sicir­bararka?
Ugu horayn sicir bararku ma aha aafo ama masiibo dabiici ah “Natural disaster” balse waxaa keena dhaqaale burbur,
maalmul­xumada ama nidaaamka Dawliga ah oo aad u liita, musuq maasuqa aan la xakamayn, Qaraaba­kiilka, Laaluushka,
Lunsashada amaba boobka Hantida Qaranka iwm.
Cabirka Sicir­bararka “CPI“
Sicir­bararku wuxuu yimaadaa marka ay si is dabajoog ah kor u kacaan qiimaha Maciishada iyo Adeega “Goods and
Services”, waxaan lagu cibraa “CPI­Consumer Price Index” nasiib daro Puntland ma laha nidaam lagu cabiro Sicir­bararka,
guud ahaana dalka Soomaaliya waxaa ugu danbaysay xili la la socodo kororka sicirka qiimaha khudaarta, timirta, hilibka,
bariiska iwm sanadkii 1968­kii. Wadamada maamul wanaagu ka jiro waxaa lagama maarmaan ah inay leeyihiin “CPI” si loo ogaado heerka uu sicir­bararku marayo “rate of inflation” si dabadeed loo xakameeyo amaba loo sameeyo daraasad lagu ogaanayo waxa dhaliyay Sacirka kacaya, sidoo kale wadamada uu maamulku ka jiro waxay qaadaan tilaabo xakamayn ah waxaana loo xil saaraa gudi aqoon u leh arimahan.
Puntland iyo saaamaynta Sicir­bararka
Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas wuxuu sheegtaa inuu yahay Professor ka qaatay shahaadada
Dhaqaalaha ee PhD Jaamacada George Mason ee dalka Maraykanka aqoontii uu sheeganayay miyaanay waxba kama jiraan
ku sifoobayn, miyaanay tani ceeb iyo weji­gabax ku noqonayn, Madaxweynaha Dhaqaalayahanka ahi weligii ma ka fekeray
sidii Puntland loogu samayn lahaa nidaamka lagu qiyaaso sicir­bararka?.
Waxaa nasiib daro ah in dhakhtarkii cudurka dawayn lahaa uu isagu cudurka abuuro ama masuul ka yahay, Madaxweyne
Gaas fikir iyo xakamayn daaye, isga ayaa loo aanaynayaa inuu leeyahay masuulayada burburka dhaqaalaha Puntland,
Maamulka Gaas ayaa lagu dhaliilaa inuu caadaystay musuq maasuq aan loo meel dayin, Qaraaba­kiil iyo boobka hantida
Qaranka. Ka sii darane waxaa maamulka Gaas xiligan Puntland ka wadaa uruursiga iyo Sicir­goynta Doolarka “Dollarised Economy” wuxuuna cashuurta ku qaadaa Doolarka Maraykanka, isla mar ahaantaana wuxuu si xad­dhaafka u daabacaa lacag Shilin Soomaali Faalsa ah taasi oo Dawladdu suuqa soo geliso “Money supply”.
Gunaanad Arimahan oo idil waxay ku tusayaan in si ula kac ah loo burburinayo Dhaqaalaha Puntland, iyada oo harka cad dakhliga dalka soo gala Acountiyo dibada ah lagu shubanayo, shacabweynahana lagu harqinayo warqado Been­abuur ah oo lagu
dhacayo hatidooda, Allaha dhawro shacabka xalaasha ah ee Soomaaliyeed, dal hogaankiisii boobayo weligii horumar
gaarimayo!!!

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *